Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐š๐๐š๐  ๐ฎ ๐œ๐š๐ฆ๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐ˆ๐ฌ๐ซ๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐ฅ ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐๐š๐ฒ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israaโ€™iil u gaystay dalka Qatar gaar ahaan magaalada Doha.

Golaha, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Qatar, ayna si cad u diiddan tahay gardarrada iyo xadgudubyada kahor imaanaya dhammaan xeerarka iyo axdiyada caalamiga ah.

Kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Sharciga Baarista iyo Ilaalinta Hilibka, Sharcigan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS, ayaa nidaamin doonaa fayo-dhawrka, badqabka iyo Tayada hilibka.

โ€” Dhammaad โ€”