๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐บ๐ฎ๐ฎ๐ป๐๐ฎ ๐บ๐ฒ๐ฒ๐น ๐บ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐๐ฒ๐ ๐ ๐๐ฏ๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ด๐๐ฑ๐ฑ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ต๐ฎ๐โ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐ธ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐พ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ฌ๐ฏ, ๐๐๐ด๐๐๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ— Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaasi oo wax weyn ka beddeli doona xaaladda iyo xuquuqda shaqo ee shaqaalaha dowladda iyo kuwa shirkadaha gaarka.
Waxaa sidoo kale Goluhu ansixiyay Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo ka kooban sideed xubnood.
Ujeeddada loo magacaabay Golahan ayaa ah, si loo dardargeliyo howlaha iyo shaqada baaxadda leh ee horyaalla hay’adda, loona dhammeystiro sharciyadda dhismaha gole maamul sare oo tayo leh.
Kulanka ayaa waxaa Golaha laga siiyay warbixinno la xiriira Amniga dalka, Canshuuraha, Ciyaaraha iyo Arrimaha Xajka, kuwaasi oo laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo Diinta iyo Awqaafta.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia