๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐๐ ๐ซ๐ถ๐ด๐ฒ๐ฒ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐พ๐ฎ๐๐ฏ ๐ด๐ฎ๐น๐ฎ๐ ๐ฏ๐ฎ๐ป๐ฑ๐ต๐ถ๐ด๐ด๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฏ๐ถ๐ ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐บ๐ฎ๐๐ต๐ฟ๐๐๐ฐ๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ฎ๐ฌ, ๐ฆ๐ฒ๐ฝ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ—Kusimaha Raโiisul Wasaraha ahna Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay shirka bandhiga warbixinada mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya, kaas ooย ka jawaab celinaya xasaradaha deg dega ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal gelineed ee Xarunta Qaran ee howlgalada gurmadka deg-dega ah. taas oo qayb ka ah hayโada maaraynta masiibooyinka ee (SODMA).
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka, xiligaan dagaalka adag lagula jiro Khawaarijta, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si dadkeennu u gaaro xasilloono buuxda.
Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in Khawaariijtu caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna Xukuumadda #DanQaran dhinac waddo dagaalka khawaariijta barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey khawaarijta iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay.
Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hayโadda SODMA iyoย Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ku cirib-tirayaan khawaarijta, isla markaana la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah deegaannada la xoreeyay, sida goobo caafimaad iyo biyo nadiif ah.
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia