๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐๐ ๐ซ๐ถ๐ด๐ฒ๐ฒ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐๐ผ๐ผ๐พ๐ฑ๐ฎ๐ ๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐๐ต๐ฎ ๐น๐ฎ๐ด๐ ๐ฑ๐ฒ๐ท๐ถ๐ป๐ฎ๐๐ผ ๐ค๐ผ๐ฟ๐๐ต๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐๐ฏ๐ฒ๐ฑ๐ฑ๐ฒ๐น๐ธ๐ฎ ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ
Muqdisho, Arbaco, 23 Oktoobar 2024: โ Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta booqday xarunta ay ka socdaan sheybaarrada Qorshaha Isbeddelka Qaranka, halkaasi oo uu kula kulmay Khubarrada iyo hawlwadeenadda ku hawlan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).
Mudane Saalax ayaa ku boorriyay hawlwadeennada iyo Khubarada dadaalka xooggan ay ay geliyeen sidii looga miradhalin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025 โ 2029 oo la doonayo in uu dalkeenu u keeno isbeddel Qaran oo horseeda horumar bulsho iyo dhaqaale oo la taaban karo.
Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka goโan tahay sidii dalka loo gaarsiin lahaa natiijooyin waaweyn oo deg deg ah, iyada oo lala kaashanayo, isla markaana la mideynayo awoodaha hayโadaha kala duwan ee dawladda, bulshada rayidka, ganacsatada, maalgashatada iyo heyโadaha caalamiga ah gaar ahaan kuwa qaabilsan horumarinta.
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so