๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐๐ ๐ซ๐ถ๐ด๐ฒ๐ฒ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ต-๐ณ๐๐ฟ๐ฎ๐ ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐๐ต๐ฎ ๐ถ๐๐ธ๐ฎ๐ฎ๐๐ต๐ถ๐ด๐ฎ ๐ต๐ผ๐ฟ๐๐บ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ฏ๐ฒ๐ฒ๐๐ต๐ฎ ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐บ๐ธ๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ ๐ต, ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ท๐ผ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ—-Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa maanta daah-furay Madasha Iskaashiga Horumarinta Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ay soo qabanqaabisay Wasaraadda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha kaas oo ah hannaan cusub oo wada-shaqayneed oo u dhaxeeya Dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.
Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in madashan ujeedkeedu yahay isku dubarridka iyo hagaajinta gargaarka horumarineed ee deeq-bixiyeyaashu siiyaan dalkeena iyo sidii loo yeelan lahaa madal ka shaqaysa iskaashi joogto ah si looga wada shaqeeyo horumarka guud ee dalka, isagoo intaa ku daray xukuumadda DanQaran ay hiigsanayso in ay dawladdu ku hawlan tahay sidii loo gaadhi lahaa heer isku filnaansho iyo isku tashi ah.
Madashan oo ay hor-kacayso Dawladda Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah Bulshada Caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo sidoo kale daneeyayaal kale oo caalami ah.

–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia