๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฒ๐ฒ๐ฑ ๐๐ด๐ ๐ต๐ฎ๐บ๐ฏ๐ฎ๐น๐๐ฒ๐ฒ๐๐ฎ๐ ๐บ๐๐ป๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฐ๐ถ๐ถ๐ฑ๐ฑ๐ฎ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fidri.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray geesiyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka โ Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca diinta, dalka iyo dadkooda, iyaga oo ciribtiraya argagixisada Khawaarijta ee dhibaatada ku haysa dalkeenna.
โGuulaha ay ciidamadeennu ka soo hoyeen jiidaha dagaalka waa astaan muujinaysa dadaalka iyo goโaanka shacabka Soomaaliyeed ee ah in aysan mar dambe aqbali doonin cadow gumaada dadkooda oo hor istaaga horumarkoodaโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
Mudane Xamsa ayaa ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba Alle uga baryay nabad iyo baraare inay ku gaaraan ciiddan ciiddeeda kale .
โ Dhammaad โ