๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ: โ๐ก๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐ฑ๐ต๐ถ๐ด๐๐ฎ ๐ณ๐๐ฟ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ด๐๐๐๐ต๐ฎโ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyey xarunta Barlamaanka SSC-Khaatumo, ayaa sheegay in loo baahan yahay midnimo iyo wadajir ummadeed oo taabba-gal ah.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in la xaqiijiyey horumar dhinacyo badan leh oo dhanka dowlad-dhiska iyo maamul-daadejinta ah, taas oo sababtay in maanta mashaaric badan laga hirgaliyo magaalada Laascaanood.
โWaxaan cadeynayaa in dadka deegaannada SSC-khaatumo ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan u baahannahay in la adkeeyo minimida iyo nabadda oo rukun adag u ah dowladnimda, waxaan idinku adkeynayaa in aad nabadda u ilaalisaan sida aad Calankeenna u ilaaliseen, waxaan u baahannahay nabad, horumar iyo in la hirgaliyo doorashooyin madax-bannaan oo ka qabsoonta guud ahaan dalka, waxaan ballan-qaadayaa in Maamulka SSC-Khaatumo uu heli doono adeeg dowladeed oo dhamaystiranโ, Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Mudane Xamsa, ayaa sheegay in ay Maamulka SSC-Khaatumo iyo shacabka deegaanku ay heli doonnaan adeegyada heyโaddaha dowlada ee muhiimka ah si loo daadajiyo maamulka dowladda.
โDHAMMAADโ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya