๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ: โ๐ค๐ผ๐ณ ๐๐ฎ๐น๐ฏ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ ๐ถ๐ป๐๐ ๐ธ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ธ๐ฎ๐ด๐ฎ ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ธ๐ฎ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐๐ผ ๐ฑ๐ถ๐ณ๐ฎ๐ฎ๐ฐ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ต๐ถ๐ฟ๐ด๐ฒ๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ฟ๐ฎ๐๐ต๐ผ๐ผ๐๐ถ๐ป๐ธ๐ฎโ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in difaaca dalka uu yahay waajib diini ah oo dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gutaan.
โDhallinyarada Soomaaliyeed waxaan idin kugu yeeray oo caawa halkaan aad u joogtaan in aan idiin soo gaarsiiyo farriin ah difaaca dalka, taas oo ah
waajib ay tahay in aan loo kala harin, dhammaanteenna aan u wada istaagnoโ. Raโiisul Wasaare Xamsa.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran muddadii ay jirtay ay xaqiijisay guulo waaweyn oo la taaban karo, isla markaana ay ka goโan tahay in ay dadka Soomaaliyeed ku hoggaamiso ciribtirka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah.
Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in doorashada dadweynaha ee dalka laga hirgelinayo ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed loogu soo celinayo awooddoodii ka maqneyd in ka badan 56 sano, isla markaana ay tahay waddadii dhallinyaradu ku xaddidi lahayd nooca dalkoodu u ekaanayo.
โ Dhammaad โ