๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐๐ต๐ฒ๐ฒ๐ด๐ฎ๐ ๐ถ๐ป ๐ซ๐๐ธ๐๐๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ ๐ฎ๐ ๐ธ๐ฎ ๐๐ต๐ฎ๐พ๐ฒ๐๐ป ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ป๐๐ผ ๐๐ถ๐ฑ๐ถ๐ถ ๐ต๐ผ๐ผ๐ ๐น๐ผ๐ผ๐ด๐ ๐ฑ๐ต๐ถ๐ด๐ถ ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ๐ฎ ๐พ๐ถ๐ถ๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ซ๐ฎ๐ท๐ธ๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ,ย ๐ฌ๐ต,ย ๐๐๐ด๐๐๐,ย ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gunaanadayey hawlaha xajka ee sannadkii tagay, taas oo lagu qiimeynayey qorsheyaasha hirgalay iyo caqabadihii soo food-saaray xujeyda Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in sannadkan wax badan laga qabtay hagaajinta hawlaha xajka ee dadka Soomaaliyeed, dowladduna ay dadaal badan ku bixisay sidii ay uga hortagi lahayd dhibaatooyin badan oo soo food saari jiray xujeyda Soomaaliyeed inta aysan ka dhoofin dalka iyo markii ay gaaraan dhulka barakaysan ee Xaramka.
Sidoo kale, Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in hoos loo dhigay kharashaadkii ku bixi jiray Xaajiga Soomaaliyeed sanadkan in ka badan $700, walina ay Xukuumaddu ku sii dadaaleyso sidii loo sii yarayn lahaa qiimaha, halka guddi loo saaray korjoogteynta adeegyada, Tayada iyo xaaladda nololeed ee Xujeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaysa acmaasha barakaysan ee Xajka.
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ย โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia