Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo Cape town uga qeyb galay shirka Maalgashiga Biyaha ee Qaaradda Afrika
Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ku sugan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, iyagoo ka qeybgalaya Shirka Maalgashiga Biyaha ee Qaaradda Afrika oo soconaya 13–15 Agoosto 2025.
Shirkan oo ay iska kaashadeen Dowladda Koonfur Afrika, Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Guddiga Sare ee Caalamiga ah ee Maalgashiga Biyaha, ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo maalgelinta kaabeyaasha biyaha iyo nadaafadda si wax looga qabto caqabadaha isbeddelka cimilada, loona gaaro horumar waara oo ka dhaca guud ahaan qaaradda Afrika.
Shirka ayaa isu keenay qaar ka mid ah Madaxda Afrika, Wasiirro, hay’adaha horumarinta, shirkadaha gaarka loo leeyahay, si loo mideeyo dadaallada lagu xoojinayo maalgashiga biyaha si loo gaaro Hadafka Horumarka Waara ee Lixaad (SDG-6) iyo Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika.
Dowladda Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa xaqiiqada adag ee saameynta cimillada, waxay u aragtaa maalgashiga biyaha inuu yahay mudnaanta ugu sarreysa ee istaraatiijiyadeed ee lagama maarmaan u ah adkeysiga bulshada, u diyaar garowga iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada, koritaanka dhaqaalaha iyo xasilloonida.
— Dhammaad —