Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay laamiga dheer ee degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadda Buulo-xuubeey, oo gaaraya ku dhawaad 2-KM, ayaa sheegay in dhismaha wadddadani ay abuuri doonto fursado shaqo iyo ganacsi, isla markaana ay kor u qaadayso bilicda iyo horumarka ka jira caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dhismaha waddooyinka caasimadda ay door weyn ka qaadanayaan, amniga, isku socodka dadka, gaadiidka iyo guud ahaan adeegyada kala duwan.
“Jidka Buulo-xuubeey oo leh taariikh dheer, waxa uu kamid yahay waddooyinka ugu mudan caasimadda, waxaanna ku yaalla xarumo fara-badan oo muhiim u ah isku-socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha oo ku bogaadiyey maamulka gobolka Banaadir dhismaha waddooyinka iyo horumarinta adegyada bulshada, ayaa faray in la dardargeliyo qorshayaasha kor loogu qaadayo bilicda, nadaafadda iyo faya-dhowrka caasimadda.






