Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Agaasimeyaasha Guud ee Xukuumadda DanQaran oo yeeshay kulan muhiim ah

Iyada oo la fulinayo tilmaamaha iyo awaamiirta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayna hagayaan himilada iyo barnaamijka Xukuumadda #DanQaran, ayaa waxaa maanta qabsoomay mid ka mid ah kullamada jadwaleysnaa ee Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda, si loo sii ambo-qaado hawlaha farsamo ee xukuumadda.

Shirka oo uu guddoominayay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Xasan Guutaale, ayaa looga hadlay sidii jawaab mideysan oo abaabulan looga bixin lahaa abaaraha dalka ka taagan, iyo sidii loo dardargelin lahaa qorshaha isku xirka adeegyadda dowladda, looguna gudbi lahaa nidaamka Dowladnimada Danabaysan, iyada oo Sidoo kale, kulanka  looga hadlay dib u habaynta shaqaalaha rayidka ah.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu meelmariyay qorsheyaal maraya heerka fulinta, kuwaas oo la xiriira adeegyada dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyada oo la raacayo qorshaha Ra’iisul Wasaare Xamse ee ah in adeegyada dowladda loo qorsheeyo, si ay u daboolaan baahiyaha dhammaan bulshada, gaar ahaan kuwooda nugul.

—DHAMMAD—