Golaha Wasiirrada oo guddi u saaray nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah,
Muqdisho, Khamiis, 12 Diseembar 2024:- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa,, ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah, falkii uu ku weeraray deegaanka Raaskambooni oo ay ka dhalan doonto isla-xisaabtan iyo ciqaab.
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdirxamaan Yuusuf (Al-caddaala) ayaa ka warbixiyey qodobada ay goluhu soo saareen.
Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsan ciidamada Uganda ee ka howlgaleya Soomaaliya.
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo ku saabsan, Shirweynaha Daraasaadka Soomaaliya, amniga, dhaqaalaha iyo dhammeystirka Dastuurka.




