Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha oo daahfuray Shirweynaha u Adkeysiga aafooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daahfuray Shirweynaha u Adkeysiga aafooyinka ee Soomaliya.

Shirkan oo soconaya muddo labo maalin ah, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SODMA), iyada oo lagu soo Bandhigay cilmi baarisyo iyo Falanqeyn ku saabsan yareynta qataraha Musiibooyinka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in bilowgii Xukuumadda DanQaran ay la kulantay Xaalad Macluul ah oo dalka ka jirtay,  balse si mug leh loo abuuray jawi xasilloon oo looga gudbay, xilliganna  ay muhiim tahay in la sameeyo qorshe Qaran oo lagu wajaho khatara iman kara.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa adkeeyay in Xukuumadda  ay ka go’an tahay in si dhab ah loo hirgaliyo qorshayaasha cilmiyeysan ee Ka soo baxa Shirweynaha Aafooyinka.

Shirka oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen Hey’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxa ay dhankooda qireen dadaallada Xukuumadda, iyaga oo ballan qaaday doorkooda la shaqeyn ee Dowladda, si loo gaaro xal waara oo  looga hortagayo.

DHAMAAD.