Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha oo Muqdisho ka daahfuray Wareegga Toddobaad ee Sahanka Tusayaasha Badan

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta Muqdisho ka daahfuray Wareegga Toddobaad ee Sahanka Tusayaasha Badan ee Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Istaatistikada Qaranka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa sheegay in xogtan cusub ay caawin doonto qorsheyaasha dowladda, ee lagu yareynayo saboolnimada, laguna horumarinayo adeegyada bulshada.

Sahankan ayaa lagu ururin doona xog muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka, waxbarashada, nafaqada, ilaalinta carruurta, biyaha iyo nadaafadda, si dowladdu uga qaadato go’aanno ku saleysan xog sax ah.

—Dhammaad—