Madaxda Qaranka oo ka qeyb gashay Munaasabad lagu soo gunaanaday dabbaal degyada todobaadka xorriyadda
Munaasabad uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu maamuusayo xuska Toddobaadka Xorriyadda iyo Midnimada, oo ay kasoo qayb galeen madaxda Qaranka, masuuliyiin ka tirsan hey’adaha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Munaasabadda oo gunaanad u ahayd dabbaal degyada todobaadka xorriyadda ayaa abaal marrinno lagu guddoonsiiyey guddiyadii, hay’adaha iyo shaqsiyaadkii si hufan uga shaqeeyey diyaarinta damaashaadyada xuska maalmaha xorriyadda.