Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo magacaabay Maareeye ku xigeenka 1aad ee Airport-ka Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cismaan Cali Faarax, inuu noqdo Maareeye Ku-xigeenka Koowaad ee garoonka Aadan Cadde.

Cismaan ayaa ka tirsanaa howl wadeenada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka, waana sarkaal qibrad  leh howlaha shaqo ee loo magacaabay, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaana faray Mudanaha in uu si hufan u guto waajibaadka shaqo ee loo magacaabay.