Ra’iisul Wasaare ku xigeen Saalax oo London uga qeyb galaya shir caalami ah
Muqdisho, Arbaco, 21 Maajo 2025: –Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK Lord Collins of Highbury ayaa si wadajir ah u shir-guddoominaya Dood-wadaag Caalami ah oo ku saabsan Ilaalinta Bulshada.
Dood-wadaagga oo ka dhacaya xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta UK (FCDO) ee magaalada London ayaa qayb ka ah dadaalada caalamiga ah ee lagu hormarinayo siyaasadaha iyo maalgelinta la xiriirta nidaamyada ilaalinta bulshada, gaar ahaan meelaha ay saameeyeen isbedelka cimiladu oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
———DHAMMAAD——