Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 1aad oo guddoomiyey kulan looga hadlayay is beddelka Cimilada

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey Isbeddelka Cimillada, Sugnaanta Cuntada iyo Hindisayaasha Qorshaha Isbeddelka Qaranka, (NTP 2025-2029).
Kulanka, ayaa intii uu socday lagu falanqeeyay isbeddelka nidaamka cuntada ee dalkeenna, iyo sidii loo hubin lahaa tayada cuntada dalka soo galaysa, si loo ilaaliyo badqabka dadka Soomaaliyeed, iyada oo xoogga la saarayo hirgelinta xalka waara ee saamaynta isbeddelka cimillada, loona samayn lahaa nidaamyo casri oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
— Dhammaad —