Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo daahfuray Barnaamijka Ilaalinta daryeelka Bulshada
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Dawladda Ingiriiska (UK) iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Barnaamijkan wuxuu ka qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo adeegyada daryeelka bulshada iyo taageerada qoysaska nugul, si loo dhiso bulsho adkaysi leh oo ka jawaabi karta caqabadaha dhaqaale iyo bulsho.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ayaa xusay in barnaamijkan uu door muhiim ah ka ciyaari doono yareynta saboolnimada iyo kobcinta isku-filnaanshaha qoysaska.






