Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo ka qeyb galay bandhigga dardar galinta Mashruuca Jowhar

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigay dardargelinta Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme (JOSP).

Ra’iisul Wasaare ku xigeen Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mashruuc qaran oo tiir-dhexaad u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2029), kaas oo kor u qaadi doona maaraynta biyaha iyo horumarinta Beeraha.

Mashruucaan ayaa horseedi doona in dadkeena ay la soo baxaan Kheyraadka dalka, isla markaana dalkeenu ka maarmo kaalmo Ajnabi, waxaana ka faa’iideysan doona in ka badan 300-Kun oo Muwaadiniin Soomaliyeed ah.

Barnaamijkan ayaa ah,  mashruuc lagu dhisayo, biyo xireeno lagu kaydiyo biyo roobaadka iyo biyaha webiga Shabeelle, si looga hortago fatahaadaha iyo abaaraha soo noqnoqda ee gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan magaalada Jowhar iyo deegaannada ku xeeran.

DHAMAAD.