Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay Ururada Bulshada Rayidka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka  bulshada rayidka ah, kuwaas oo ay ka wada hadleen doorkooda ku aaddan dhismaha dowladnimada, xoojinta nabadda iyo horumarinta maamul-wanaagga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay ka qeyb-galka bulshada rayidka ah ee geeddi-socodka siyaasadeed iyo la tacaalida caqabadaha hor taagan shacabka.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa caddeeyay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay In ay dhageysato talooyinka bulshada,In ay dhiirrigeliso ka qeyb-qaadashadooda maamulka, isla markaana ay sare u qaaddo kaalintooda wacyigelinta bulshada.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku boorriyey bulshada ratidka inay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan ilaalinta nabadda iyo horumarinta dalka.