Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay Danjiraha cusub ee UK

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta qaabilay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada  amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta, doorashooyinka iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha ay dowladdu xaqiijisay ee ay kamid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan madaxda hoggaamineysa, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socdaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka.

Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey shirarka wada-hadalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, saamileyda siyaasadda iyo qeybaha bulshada ee lagu kaabayo dowlad-dhiska Soomaaliya, horumarinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.