Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo dahfuray kulan muhiim u ah adeeg siinta bulshada
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka Daahfuray kulan ku saabsan adeegga ay Dowladdu siiso Bulshada isaga oo xusay in Shirkan uu muhiim u yahay dib-u-habaynta iyo isla xisaabtanka ku aaddan in bulshada la gaarsiiyo adeeg hufan.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in hadafka shirka laga leeyahay uu yahay sidii Muwaadiniinta loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah ee ay u baahan yihiin, si gaar ahna isha loogu haayo dadka ku nool goobaha fog-fog ee Miyiga.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Ganacsatada iyo Maalgashatada ku dhiirri galiyey in ay door firfircoon ka qaataan hormarinta adeegyada dadwaynaha si loo gaaro hormar bulsho.
———-Dhammaad———-










