Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo ka qeyb galay shirweynaha UNIDO oo lagu qabtay Riyaad
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa ka qeyb-galay kalfadhiga 21-aad ee Shirweynaha Guud ee UNIDO oo ka socda magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isaga oo sheegay in shirku xambaarsan yahay hal-ku-dhig dhiirrigelin leh oo ku saabsan Awoodda Maalgelinta Caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay taagan tahay meel taariikhi ah oo go’aan qaadasho leh, isla markaana ay ka soo gudubtay caqabado badan iyo tobannaan sano oo adkaa, halka maanta dalka uu ka jiro isbeddel muuqda oo ka socda guud ahaan Soomaaliya.
“Annagoo leh mid ka mid ah xeebta ugu dhaadheer Afrika, waxaan dardargelin doonnaa shaqooyin xoojinaya badqabka cuntooyinka kala duwan. Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay noqoto xarun goboleedka kalluumeysiga ee waara. Waxaan xoojin doonnaa ilaalinta badda, warshadaha ku shaqada leh dhaqaalaha buluugga ah iyo maalgelinta wax-soo-saarka kalluunka, laga bilaabo farsamaynta ilaa suuq-geynta caalamiga ah.” Ayuu yiri Mudane Jibriil.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sidoo kale adkeeyey in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin hantida ugu weyn ee dalka, isaga oo sheegay in dowladda ay ku howlan tahay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ku saabsan tababarka farsamada iyo hal-abuurka dijitaalka ah , taas oo u suurtagelinaysa in ay noqdaan mishiin dhaqaajiya horumarka dalka.
— DHAMMAAD —
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
E-mail media@opm.gov.so
Tell +252771770958
https://www.facebook.com/OPMSomalia
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
https://www.instagram.com/opmsomalia
https://www.youtube.com/@opmsomalia9471


