Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista iyo wasiirkii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka cusub Mudane Maxamed Faarax Nuux.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa u mahadceliyey Wasiirkii hore Fardowsa Cismaan Cigaal oo shaqo baaxad leh ka soo qabatay wasaaradda muddadii ay hoggaminaysay, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay casriyeynta, horumarinta siyaasadda, shuruucda, iyo kaabayaasha dhaqaaale ee dalka.

Sidoo kale— Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Faarax Nuux, in uu sii labo jibbaaro shaqada Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay u hayso dadka Soomaaliyeed.

— Dhammaad —

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya