Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo qaabilay Danjiraha Sacuudiga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed bin Maxamed Al-Muwalled.

Kulanka oo looga hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, ayaa labada masuul ay isku raaceen adkeynta iskaashi ku qotoma dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya garab-istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

DHAMMAAD