Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Wadatashiga Qaranka kala hadlay dardargelinta iyo daah-furnaanta doorashada
Muqdisho, 29 November 2021–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hab fogaan arag ah kula kulmay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda,
Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro doorashadu in ay noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isaga oo golaha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, waxuna ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan.
Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.
—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia