Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo gaaray magaalada Laascanood ee xarunta Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo gaaray magaalada Laascanood ee xarunta Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, waxaanna garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa u yimid magaalada Laascanood howlo-shaqo muhiim ah, isaga oo ka qeybgali doona munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-Goboleeedka Waqooyi Bari Soomaaliya, oo ka qabsoomi doona caasimadda Laascanood.

Mudane Xamsa, ayaa inta uu joogo halkan tallooyin ku aaddan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo adkeynta midnimada, ka dhageysan doona madaxda, aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaannada Waqooyi Bari.