Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Dekadda caalamiga ah ee Tanger Med ee Boqortooyada Morooko
Tangier, Marooko, Jimce, 28 Nofeembar 2025:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo weli ku guda jira howlihii shaqo ee uu u joogay Boqortooyada Morooko, ayaa maanta booqday dekadda Tanger Med, oo ah marsada ugu weyn Qaaradda Afrika iyo Badda Mediteraaniyaanka, kana mid ah dekedaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.
Dekadda Tanger Med, ayaa si istaraatiiji ah isugu xirta ganacsiga Afrika, Yurub, Aasiya iyo Ameerika, waxaana isticmaala in ka badan 20% maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, taas oo ka dhigtay xarun muhiim u ah isku xirka dhaqaalaha dunida.
Intii uu ku sugna Dekadda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxa Dekadda Tanger Med, Mudane Mohamed Arjouan , iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dekedaha, fududeynta ganacsiga, iyo wadaagga waayo-aragnimada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee labada dal.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in booqashadan iyo kulanka ay qeyb ka yihiin dadaallada ay Xukuumaddu ku doonayso dhisidda kaabeyaasha muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadidda xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Morooko.
Wadahadalkan ayaa imaanaya xilli horumar baaxad leh ay sameynayaan dekedaha Soomaaliya, iyada oo dhowaan abaalmarino caalami ah ay heleen dekedaha Muqdisho iyo Berbera, Xukuumadda DanQaranna, ay casriyeyn ku waddo dekedaha qaar, kuwa cusub oo waaweyna ay qorshaha ku jiraan.
— DHAMMAAD —
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
E-mail media@opm.gov.so
Tell +252771770958
https://www.facebook.com/OPMSomalia
https://x.com/somalipm

https://www.instagram.com/opmsomalia
https://www.youtube.com/@opmsomalia9471








