Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Boqolaal Dadweyne ah kala qeyb galay Xeritaanka Ololaha Doorashada
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta boqolaal dadweyne ah kala qeybgalay ololaha doorashada Qofka iyo Codka, waxaa goobjoog ahaa Duqa Caasimadda Jamhuuriyadda Mudane Xasan Maxamed Xuseen iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Dan Qaran.
Isu imaantinka ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, xilli laba maalmood ay ka hartay goorta loo dareerayo goobaha cod bixinta.
“Waxaan galabta kala qeyb-galay bulshada ku nool Degmada Kaaraan oo sameeyay isu-soo bax balaaran oo ay ku muujinayaan diyaar-garowga ay ugu jiraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee loo madlanyahay toddobaadkan, waa maalin weyn oo taariikhi ah, oo aynu isugu nimid in aynu ku soo gaba-gabeyno olole ballaaran oo aynu ku soo jirnay muddo dheer” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa
“Laba beri kadib, waxa inoo baryi doona waji cusub, maalin qiimo gaar ah u leh Gobolka Banaadir, Ummadda Soomaaliyeed iyo Qarankeenna guud ahaan. Waa maalin bilow u noqon doonta taariikh cusub oo dalku galo. Muwaadinka Soomaaliyeed waxa uu heli doonaa xuquuq dastuuri ah oo muddo dheer ka maqnayd, waxaana hirgali doonta taariikh siyaasadeed oo ku dhisan in talada iyo masiirka ummadda ay go’aamiyaan dadkeeda”. Ayuu sii raaciyey hadalkiisa.










