Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey Shir looga hadlayey arrimaha Doorashooyinka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay, shir lagu gorfeynayey dhammaystirka hawlaha doorashooyinka Dowladaha Hoose ee dhawaan dalka ka qabsoomi doona.
Shirka oo ay ka qeyb galeen wasiirrada wasaaradaha sida tooska ah ula falgala hawsha doorashooyinka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir , ahna Duqa magaalada Muqdisho, Taliyaha Booliiska ayaa waxaa lagu dhageystay warbixin ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, iyada oo Guddoomiyaha guddiga, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, uu sheegay in hawshu ay meel wanaagsan marayso, lana diyaariyey dhammaan adeegyadii loo baahna, si loo qabto doorashada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyay guddiga iyo wasaaradaha ka qeyb qaadanaya fulinta barnaamijkan, isaga oo xusay in Xukuumadda #DanQaran ay ka go’an tahay qabashada doorashada Qof iyo Cod, iyada oo ugu horrayn la bilaabayo doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.









