Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeeray Garoonka diyaaradaha Aaden Cabdulle
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka duulaya dhaqangalka amarkii uu dhawaan bixiyey ee hagaajinta adeegyada Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ayaa maanta mar kale kormeeray qeybaha garoonka iyo gaar ahaan goobihii uu amray in la hagaajiyo.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in maalintii uu Garoonka booqday 14 maalmood ka hor iyo maanta uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya isla markaana ay muuqato in shaqo la taaban karo laga qabtay.
“Waa laba maalmood oo aad u kala duwan maanta iyo 14 maalmood ka hor oo aan halkaan imid, isbeddel ayaa ka muuqda garoonka, waxaan imid maanta iyadoo mashiinadii ay shaqeynayaan qaarkood oo la beddelay inta kalena ay socoto shaqadeedu”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa mar kale amar ku bixiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan looga shqqeeyo hagaajinta System-ka qabooojiyaha garoonka diyaaradaha, iyo in biya macaan ay helaan dadku, isagoo muddo hal toddobaad ah u qabtay Shirkadda garoonka maamusha.
— Dhammaad —