Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la xisaabtamay Wasaaradaha tiirka dowlad wanaagga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira barnaamijka la-xisaabtanka Xukuumaddiisa, ayaa maanta su’aallo ka weydiiyey, waxyaabaha uga hirgalay heshiiskii ay kala saxiixdeen sanad ka hor ee ku aaddanaa barnaamijyada horutabinta u leh wasaaradaha kala ah, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib -u-heshiisiinta, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.
Wasaaradahan ayaa sanadkan hirgeliyey waxqabad muuqda, oo ay ka mid yihiin xoojinta nidaamka Federaalka, dib-u-heshiisiinta bulshada, iskaashiga caalamiga ah, difaaca danaha Qaranka, adkeynta amniga gudaha ,tayeynta ciidamada qalabka sida, dib-u-xoreynta, xasillinta iyo horumarinta adeegga caddaaladda iyo dib-u-eegista dastuurka dalka.
la-xisaabtankan ayaa diirradda saaraya xoojinta dadaallada dowladda ee shacabka Soomaaliyeed lagu gaarsiinayo adeegga ay uga baahan yihiin hay’adaha dawladda, maadama qorshaha Xukuumadda uu saleysan yahay ka jawaabidda baahiyaha bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay joogtaynayso la-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, isla markaana ay noqon doonto sifo saldhig u ah hirgalinta qorshayaasha dowladda.