Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Magacaabay Aagaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimiyaasha Guud ee la magacaabay ayaa kala ah;

Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta.

Mudane Mahdi Sheekh Cabdullaahi Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda