Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulanka maanta uga wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya ee labada dal ee ku dhisan wax-wada qabsiga.
———- DHAMMAAD———-