Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay danjiraha dowladda Yemen

Muqdisho, Isniin, 19 Maajo 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fadli Ali Ahmed, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Yemen, iyo xaaladda qaxootiga iyo jaaliyadda Yemen oo ay Soomaaliya keeneen daruufaha ka jira dalkooda.

 

Soomaaliya iyo Yemen ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo taariikhi ah oo ku suntan dhinacyada dhaqanka iyo bulshada, kaas oo saldhig adag u ah kor-u-qaadidda iskaashi ku dhisan dano wadaagga labada shacab ee walaalaha ah.

 

— Dhammaad —