Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay wefti ka socda Baarlamaanka Nabadda Adduunka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Baarlamaanka Nabadda iyo Iscafinta Adduunka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha aqalkan Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Jarwaan.
Mudane Xamse ayaa waftiga ka dhagaystay farriimihii ay sideen oo u badnaa muhiimadda ay leedahay nabadda iyo iscafinta, iyo sidoo kale ujeedada socdaalkooda oo daarnaa sidii heshiis is afgarad ah u wada saxiixan lahaayeen baarlamaanka adduunka iyo kan Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waftiga uga mahadceliyay booqashadooda, wuxuuna la wadaagay aragtida madaxda qaranka ee ku dhisan “Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah”, iyada oo xukuumadda Dan Qaran ay hawl badan ka qabatay xagga soo celinta nabadda iyo waliba heshiisiinta bulshada.
Waftiga waxaa xubno ka ahaa xildhibaano ka socda baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxayna kala yihiin Mudane Cilmi Maxabah Wala iyo Mudane Cabdoow Kaamil Maxamed. Waxaa waftiga kulanka ku wehliyay xildhibaano iyo ma’uuliyiin hore oo Soomaaliyeed.
Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiye Axmed Bin Maxamed guddoonsiiyay hadyad qaas ah oo uu ku xardhanyahay neef geel ah oo ka mid ah astaamaha shacabka Soomaaliyeed, taas oo ka turjumaysa hoddantinimada ummaddeed iyo u adkaysiga duruuf kasta.
—-DHAMMAAD—-








