Ra”isul Wasaaraha oo ka qeyb galay Munaasabadda xuska 26 June
Muqdisho, Arbaco, 26 Juunyo 2025: — Madaxda Qaranka ayaa caawa ka qeyb gashay Munaasabadda xuska sanadguuradii 65-aad ee kasoo wareegtay markii ay gumeystaha ka xoroobeen Gobollada Waqooyi ee dalka oo lagu qabtay aqalka dowladda hoose ee Xamar.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo ku aaddan munaasabadda u diray bulshada Soomaaliyeed ayaa sheegay in la joogo xilligii dadka Soomaaliyeed xoojin lahaayeen midnimada, wadajirka iyo hannaanka dhismaha Qaranimo sal adag leh.
“ 65 sano ka dib waxaa lagama maarmaan ah inaan hoosta ka xariiqno midnimo la’aanta na haysata, qabyaaladda iyo kala qoqobka, wixii naga qaldamay aan saxno, fakar fiican iyo caqlina aan la imaano”.ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in halgankii ay hormuudka ka ahaayeen haldoorkii Soomaaliyeed ee horseeday xorriyadda uu ahaa mid dhiig iyo dadaal badani ku baxay, wuxuuna xusay in xornimadaasi ay gogol u dhigtay yididiiladii midnimada Soomaaliyeed ee keentay in 1-dii Luulyo ay midoobaan gobolada Woqooyi iyo Koonfur, si loo yagleelo Jamhuuriyadda Soomaaliya.
— Dhammaad —