Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qabtay kulan ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha iyo howl-wadeennada warbaahinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabtay kulan ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha iyo howl-wadeennada warbaahinta ee Madaxtooyadda Qaranka, wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Cabdinaasir Axmed Bashiir, ayaa diiradda lagu saaray wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga xogta warbaahineed ee hay’adaha dowladda, si loo helo farriin mideysan oo hufan oo la gaarsiiyo  shacabka Soomaaliyeed, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in warbaahinta dowladda ay si wadajir ah uga shaqeeyaan gudbinta xog sax ah, isla markaana ka tarjumeysa hannaanka iyo jihada Xukuumadda.

“Saddexda ujeeddo ee u waaweyn warfaafinta dowladda laga doonayo waa illaalinta sumcadda dowladnimada, sare u qaadista kalsoonida shacabka ku qabaan dowladdooda, iyo dhawrista xogta qaranka” ayuu yiri Agaasime Cabdinaasir Axmed Bashiir.

Aragti is weeydaarsi dheer kadib, kulanka ayaa la-isla qaatay in xafiisyada warbaahinta dowladda ay si mideysan uga wada shaqeeyaan arrimaha ka jawaabista abaaraha ee Xukuumaddu ay waddo, iyada oo la kabayo hawlihii horey ay u wadeen warbaahinta qaranka iyo xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

—Dhammaad—