Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—š๐—ข๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ๐—ฅ๐—”๐——๐—” ๐—ข๐—ข ๐—”๐—ก๐—ฆ๐—œ๐—ซ๐—œ๐—ฌ๐—˜๐—ฌ ๐—ฆ๐—ข๐—ข ๐—๐—˜๐—˜๐——๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—ง๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—”๐—›๐—” ๐—–๐—จ๐—ฆ๐—จ๐—• ๐—˜๐—˜ ๐—–๐—œ๐—œ๐——๐—”๐—ก๐—ž๐—” ๐—ซ.๐——๐—ฆ

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐Ÿญ๐Ÿต ๐—๐˜‚๐˜‚๐—ป, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ— Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga eeย  Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed in uu noqdo, General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeedย  Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan oo ay kamid yihiin Taliyaha Ilaalada Ciidanka Xoogga dalka ee Madaxtooyada.

Kulanka oo uu guddoominayey Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud ee Dowladda, Xeerka Dhismaha Xarunta Tubsan, Xeer Nidaamiyaha Ruqsadda Korontada, Xeer Nidaamiyaha Tariifada Adeegga Korontada iyo Qaraar ku saabsan Qorista Shaqaalaha Dowladda.

–DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia