Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Ka Qayb Galay Soo Dhaweynta Markabka Shidaalka Çağrı Bey, Kuna Adkeeyay Maalgashiga iyo Maareynta Hufan ee Khayraadka Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeybgalay munaasabadda soo dhowaynta Markabka Qodista Shidaalka ee Çağrı Bey, oo soo gaaray Dekada Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa munaasabadda ka sheegay in amniga dalku uu horseeday maalgashi shisheeye oo caalami ah, kaasi oo ay markhaati ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, isaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay in si hufan oo masuuliyad leh looga faa’iidaysto khayraadka dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in guulaha uu dalkeennu gaaray ay ku yimaadeen dadaalka shacabka iyo dowladda oo gacmaha is haysta ayna is-daba-socon doonaan isaga oo xusay in Dowladda Soomaaliya ay dhowaan xaqiijin doonto isku filnaansho dhaqaale lagana maarmi doono kaalmo shisheeye.
“Soomaaliya waxa ay u guuraysa nabad iyo barwaaqo waxa ay ka guuraysa amni-darro iyo dhaqaale la’aan, waxa aan leenahay hadaf cad oo Madaxweynaha Qaranka uu la yimid kaasi oo la yiraahdo Qorshaha Qarni-jirka ah 2060 oo ka tarjumaysa geeddiga socda ee muuqda ee dowlad-dhiska Soomaaliya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta danaha shacabka, isla markaana ay hubin doonto in khayraadka dalka loo maareeyo si caddaalad ah oo daah-furan.