Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Qaabilay Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Daccò Coppi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay halka ay marayaan saddex mashruuc oo waaweyn oo isbitaallo loogu dhisayo degmooyinka Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, Xarardheere ee gobolka Mudug iyo Caddaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo ay maalgelinayso Dowladda Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, horumarinta, waxbarashada iyo taageerada bani’aadannimada. Waxa uu sidoo kale Danjiraha la wadaagay guulaha ay Xukuumadda DanQaran ka xaqiijisay dhinacyada amniga, koboca dhaqaalaha iyo hirgelinta siyaasadda ku aaddan qabsoomidda doorashooyin madaxbannaan oo ku dhisan nidaamka qof iyo cod.
Dhankiisa, Danjire Pier Daccò Coppi ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhoweynta diirran, isaga oo xaqiijiyey in Dowladda Talyaanigu ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo mashaariicda muhiimka ah ee laga fulinayo dalka.