Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo safar shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa safar shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug, halkaasi
oo uu maalmaha soo socda ku sugnaan doono.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa si diirran usoo dhoweeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Agaasimaha hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo qeybaha kala duwan bulshada.
Safarka Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa daarran xoojinta dowlad-dhiska , isaga oo inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb kulammo la qaadan doona hoggaanka dowlad-goboleedka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.