Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Soo Xiray Shirka Ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya, kaas oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa muddadii uu socday lagu falanqeeyay, laguna dooday Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka, waxaana ka qaybgalay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeynta ee Dowladda Federaalka iyo wasaaradaha la midka ah ee Dowlad Goboleedyada.
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka XFS, Salaax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta iyo miro-dhalinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka.
Mudane Saalax, ayaa u mahadceliyey dhammaan ka qaybgalayaasha, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS dadaalka iyo waqtiga ay gelisay diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka.