๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐: ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐ ๐ฌ๐๐๐ซ๐ญ๐๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐๐๐
Muqdisho, Axad, 10 Maajo 2026: โ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day) ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub iyo dowladaha xubnaha ka ah doorkooda ku aaddan taageerada Soomaaliya.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in Midowga Yurub uu Soomaaliya garab taagnaa xilliyadii ugu adkaa, gaar ahaan taageerada dhinacyada baniโaadannimada, dib-u-dhiska dowladnimada, horumarinta hayโadaha dowladda, amniga iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha oo ay door weyn ka qaateen horumarkiisa.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar la taaban karo, iyada oo dowladdu ay xoogga saartay dib-u-dhiska hayโadaha, xoojinta amniga, horumarinta dhaqaalaha, ballaarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta hannaan dimuqraadiyadeed loo dhan yahay.
Raโiisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay qorshaynaso in dalka laga hirgaliyo doorashooyin qof iyo cod ah si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, isaga oo tilmaamay in madaxda dowladda ay ka goโantahay wadatashi iyo is-afgarad lagu xoojinayo amniga iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay k qeyb qaataan wadatashiyada qaran ee dowladdu u fidisay, iyada oo la ilaalinayo danta Qaranka iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.
โMarxaladdan muhiimka u ah dhismaha Qaranka, waxa uu dalkeennu u baahanyahay wadatashi iyo wada-shaqayn wax dhisaysa ee ma aha jahwareer siyaasadeed, xalal waara ee ma aha khilaaf aan dhammaad lahayn, midnimo iyo ummad wadajir ah ee ma aha kala qeybinta bulshadaโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
– DHAMMAAD –
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW
E-mail: media@opm.gov.so
Tel: +252 771 770 958
Facebook: https://www.facebook.com/OPMSomalia
X (Twitter): https://x.com/somalipm
Flickr: https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Instagram: https://www.instagram.com/opmsomalia
YouTube: https://www.youtube.com/@opmsomalia9471
Website: https://www.opm.gov.so