๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐,โ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐๐ฒ ๐ก๐๐ฅ๐ ๐๐ง ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฃ๐ข๐ซ๐๐๐ง ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐โ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee ay Shaqaaluhu ku leeyihiin dib-u-dhiska, horumarka iyo xasillinta dalka, isaga oo caddeeyey in Xukuumadda DanQaran, ay ka goโan tahay ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha, kor u qaadista xirfadooda, iyo horumarinta shaqooyinka ay u hayaan bulshada.
โMaalintan waxa ay fursad u tahay in aynu xasuusanno dadaalka iyo halganka ay Shaqaalaha Soomaaliyeed ugu jiraan horumarinta dalka. Xukuumaddu waxa ay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo fursadaha shaqo, iyada oo kor loo qaadayo xirfadaha shaqaalaha, lana dardar-gelinayo nidaamyada lagu tayeynayo Shaqaalahaโ, ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Mudane Xamsa, ayaa ku dhiirrigeliyey Shaqaalaha Soomaaliyeed in ay sii laba-jibaaraan juhdigooda, uguna adeeggaan shacabka Soomaaliyeed si hufan, si ay uga dhabeeyaan dadaalka shaqo ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkooda.
โ DHAMMAAD โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya