Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xilka u kala wareejiyey Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirkii hore

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo Wasiirkii hore, Mudane Axmed Macallin Fiqi, munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey Wasiir Fiqi dadaalkii uu ku bixiyey hormarka ay sameysay Wasaaradda muddadii uu joogay, isagoo kula dardaarmay wasiirka cusub in uu sii laba jibbaaro dadaalkaas.