Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ: โ€œ๐—›๐—ฒ๐˜†โ€™๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป ๐—ฎ๐˜† ๐—ฏ๐—ถ๐˜…๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—”๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎโ€

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dhaqangelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku-xirka Aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee ay isticmaalaan dadweynaha, taas oo meesha ka saareysa in ka badan 34 sano oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaayeen aqoonsi laโ€™aan.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in adeegsiga dhijitaalku yahay fursad horumarineed oo saldhig u ah dhammaan qorsheyaasha kale ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo in Soomaaliya ay noqoto tusaalaha horumar ee gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa xusay in la sameeyey dhammaan shuruucdii iyo hageyaashii kale ee saldhigga u ahaa ilaalinta xogta muwaadiniinta, Xukuumadduna ay ballanqaadeyso in dadweynaha la diiwaangeliyo oo aqoonsi la siiyo, isaga oo faray Heyโ€™adaha heerarka kala duwan ee Dowladda JFS iyo Heyโ€™adaha aan dowliga ahayn ee bixiya adeegyada uu aqoonsiga muhiimka u yahay in ay bixinta adeegyada ku xiraan Aqoonsiga Qaranka.

Dhammaad โ€”
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya