Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay ku-simaha Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-simaha Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr Chen Wendi.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Shiinaha siiyo dalkeena, gaar ahaan dhinacyada bani’aadannimada.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya